Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Digniin Kasoo Saaray Doorashada Somalia

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo xalay kulan Khaas ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa baaq wadajir ah u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka, si loo dhaqaajiyo heshiis wadajir ah oo horseedi kara Qabsoomida Doorashooyinka soo socda.

Golaha Ammaanka ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka iyo Dowlad gobaleedyada inay si wadajir ah oo u agaasimaan Doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.
Sidoo kale Golaha ayaa waxaa ay ka digeen dib u kale oo dheeraad ah oo ku yimaada doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, lana dhamaystiro heshiis siyaasadeed oo ku aadan arrimahaasi.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay shir deg deg ah isugu yimaadan, isla markaana la xaliyo wax kasta oo khilaaf ah.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaqijiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya, waxaana saddex jeer baaqay shir ay yeelan lahaayeen Madaxda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaar Ka Mi Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho+ SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Deeq Lacag Iyo Xoolo Nool Ku Teegeeray Ciidanka Dawlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Bariishkii Waynaa Ee Magaalada Hargeysa Oo Qarka U Saraan In Uu Go’o Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More