Borama News Network

Somaliya Oo Itoobiya Kaga Guulaysatay Galaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Iyo Shir Deg Deg Ah Oo Dhacaya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah ka leh xaaladda ka dhex aloosan Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkeedu yahay xadgudubka Xukuumadda Addis Ababa ku samaysay madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulankaan ayaa xal loogu raadinayaa xiisadda ka taagan Geeska Afrika ee sababta u tahay Dowladda Federaalka Itoobiya.

Dalalka ka qaybgalaya shirkaan intooda badan ayaa horay u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan in lama-taabtaan tahay madaxbannaanida & wadajirka Ummadda Soomaaliyeed waxaana ay soo jeediyeen in hoos loo dhigo xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 23kii Janaayo 2024 waxa ay warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo ugu dambayn dhalisay in kulankaan degdega ah golahaan uu ka yeesho xaaladda taagan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dhowr urur-goboleed, iyo dowlado ayaa walaac ka muujiyay xaaladda isla markaana ka horyimid damaca Itoobiya.

9-kii Janaayo, Mauritania, oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa warqad u dirtay Golaha amaanka, taasoo sii adkeysay baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo in la ilaaliyo amniga. nabadda, iyo xasiloonida gobolka.

12kii Janaayo, Bahrain, oo ah guddoomiyaha Koox waddamo Carbeed ah ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale warqad u dirtay Golaha amaanka, waxa ayna ku muujiyeen mowqifka midowga wadamada Carabta (LAS) ee arrinta ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Midowga wadamada Carabta waxay diiday heshiiskii is-afgaradka ee dhexmaray Itobiyo iyo Soomaaliland, waxayna sheegtay in ficillada noocaan ah “ku xad-gudbayaan sharciga caalamiga ah ayna khatar gelinayaan guud ahaan midnimada dhuleed ee qaranka Soomaaliya.

Related posts

“Maguulwadaan ahay hadaan difaacay dalka, xasan guur-guurtan waxan leeyahay..” Siyaasi Ramaax

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukuumadu waxay doonaysaa inay dab ka shido galbeed iyo bari ee iska samra” Siyaasi Cabdisalaan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Uganda:- Hooyooyin Carruurtooda Dawarsi u Diray Oo Xukunno Adag Lagu Riday

Abdiaziz Bnnstaff