Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhageysiga dacwada Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in wafdiga dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Hague ay u diyaarsan yihiin ka qeyb galka dhageysiga Dacwada Badda ee taalla Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ.
Waxaa uu sheegay Xeer Ilaaliye Suleymaan in dhageysiga dacwada Badda ay si toos ah u bilaaban doonto maalinta berri, isla markaana qareenada u doodaya dowladda iyo wafdiga diyaar u yihiin ka qeyb galka dacwada, isagoona rajo wanaagsan muujiyay.
Maxkamadda ICJ ayuu tilmaamay inay dejisay qaab ay Guddiyada ka kala socda Soomaaliya iyo Kenya uga qeyb galayaan dooda, wuxuuna sheegay in kiiska loo dhageysan doono maqal iyo muuqaal oo xubno gudaha Maxkamadda ay geli doonaan, halka kuwo kalena ay aalada ZOOM-ka kala socon doonaan, sababo la xiriira COVID-19.
Isaga oo sii hadlaayay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa uu beeniyay warar sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya bedeshay qareenada u doodaya, isagoo caddeeyay in wararkaas la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur ah.
Ugu dambeyn Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa Carabka ku dhuftay in aysan marnaba aqbali doonin in wax lamid ah taako lagu soo xad-gudbo badda Soomaaliya, isla markaana ay la xisaabtami doonaan cid kasta oo kusoo xad-gudubta badda.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com