Dowlada Iran Oo Shaacisay Cida ka Denbaysay Weerarkii Lagu Qaaday Markabkeeda

TEHRAN :- Israel ayay aad ugu badan tahay inay ka dambeysay weerar toddobaadkan ka dhacay badda Meditareeniyaanka oo waxyeeleeyey Markab xamuul oo ay leedahay Iran, waxaa sidaas Sabtidii sheegay dambi baare reer Iran ah, oo ay soo xigatay warbaahinta Iran.

Markabka Shahr e Kord ayaa waxaa ku dhacay walxo qarxa, taasi oo sababtay dab yar oo ka kacay, balse cidna wax kuma noqon, sida ay sheegtay Iran, Jimcihii. Laba il-wareedyo amniga badda ah ayaa sheegay in markabka si ula kac loo beegsaday.

“Marka aan eegno goobta wax ka dhaceen, iyo sida markabka loo beegsaday, mid ka mid ah arrimaha aadka suurta-galka u ah waa in kani uu ahaa howlgal argagixiso oo uu gaystay taliska Sahnuuniyadda (Israel),” waxaa sidaas yiri xubin ka mid ah kooxda Iran ee baareysa dhacdada, oo ay soo xigatay warbaahinta Nournews.

Wasiirka Gaashnaadhigga Israel Benny Gantz ayaa diiday inuu si toos ah uga hadlo dhacdadan, hase yeeshee wuxuu sheegay in Iran ay si joogto ah hub ugu dirto maleeshiyooyinka ka hoos shaqeeyaa ee gobolka.

“Waan fashilinaa qeybinta hubka iyo howlgallada kale ee la xiriira horumarinta militariga, cir iyo dhulba,” ayuu yiri Gantz.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa sheegay in warbixino ay xaqiijiyeen inuu dhacay ficil waxyeeleyn ah oo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

Baarayaasha Iran ayaa sheegay in walxaha qarxa ee ku dhacay markabka ay suurta-gal tahay in laga soo tuuray diyaarad ayna ku dhaceen mid ka mid ah konteenarada markabka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Kenya Oo Faah Faahisay Sababta Ay Ciidammo Ugu Direyso Kongo

Bnnstaff Bnnstaff

“Muuse Biixi Waxa Uu Xasan Sheekh Ku Cadaadinayaa In Ay Yeeshaan Kulan Toos Ah …” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Yurub Oo Maanta Caasimadda Kyiv Kula Kulmay Madaxweynaha Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More