Masar Oo Shuruudo Ku Xidhay Dib U Soo Celinta Xidhiidhkii Ay La Lahayd Dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri ayaa sheegay in hadal keliya aan lagu soo celin Karin xiriirka Turkiga iyo Masar.

Warbaahinta Masar ayaa ka soo xigtay wasiirka in dowladda Turkiga laga doonayo in ay beddesho siyaasadeeda ku wajahan Arrimaha Masar ka hor inta aan la soo celin xiriirka labada dal.

Wasiirku wuxu sheegay in hadalka ka soo yeeray Turkiga ee ku aaddan hagaajinta xiriirka labada dhinac ay ka horrayso in Turkigu wax ka beddelo hab-dhaqankiisa dhanka siyaasadda.

Hadalka Wasiir Saamix Shukri ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Turkigu sheegay in la soo celinayo xiriirka iyaga iyo Masar oo go’naa tan iyo sannadkii 2013.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg: Dagaal Culus Oo Ay Horkacayaan Saadiq Joon Iyo Indhacade Oo Ka Bilaabmay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Xuduudaha Dalka Turkiga Keenay 1000 Taangi Iyo Diyaarada Iyo Ujeedada Laga Leeyahay

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Ka Yeeshay Arimaha Maaliyada Iyo Sixir Bararka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More