Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Tallaalka Covid 19 Ee Ay Heshay Dowladda Somalia

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaalkii ugu horreeyay ee COVID-19 oo Maanta lasoo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho, ayna dalka keentay diyaarad ka timid dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaad loogu hambalyeeyay helista qaybtii ugu horreysay oo ah 300,000 oo tallaalka COVID-19 ah.

UN-ka ayaa sheegay in tallaabada Magaalada Muqdisho lagu keenay tallaalka COVID-19 ku tilmaamay mid muhiim ah oo loo qaaday joojinta faafitaanka Cudurka oo siweyn mar labaad ugu soo laba kacleeyay.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo Dr. Fawziya Abiikar Nuur, imaatinka ay maanta Muqdisho soo gaartay qaybtii ugu horreysay oo ah 300,000 oo tallaalka COVID-19 ah, iyadoo loo marayo hindisaha COVAX” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dhinaca kale Danjire James Swan, ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ugu hambalyeeyaynayo helitaanka talaalkii ugu horeeyay ee Cudurka Corona ah, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada Soomaaliya xilligan adag.

Waxaa uu sheegay in cudurka weli halis weyn yahay, isla markaana loo baahan yahay in shaqaalaha Caafimaadka iyo dadka nugul qaataan talaalka feejignaantana la sii wado, si loo xakameeyo Cudurka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Reer Dila Oo Soo Bandhigay Murashax Ku Melteli Doona Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya Oo Ku Biirtay Howlgalka Ladagaalanka Burcad Badeedka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliya Oo Dalbatay In Ciidanka Kenya Laga Saari Ciidamada Amisom

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More