Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Siday Badan Iyo Raggii Watay

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa goor-dhaweyd gacanta ku dhigay lacago been abuur ah iyo waxyaabo maanka dooriya oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xeer ilaaliyaha Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan Saciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen xeebta Kismaayo lagu qabtay dooni sidday 65 Milyan shilin Soomaali been abuur ah.
Sidoo kale inta uu socday howlgalka ay sameeyeen Ciidanka amniga Jubbaland ayaa waxaa kusoo qabteen maandooriyaha xashiishka, kuwaasi oo la doonayay in gudaha Magaalada la geliyo.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xusay in sidoo kale ciidamada ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo lacagaha been abuurka ah iyo waxyaabaha maanka dooriya waday, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa maalmo kahor Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay laba ruux oo si qarsoodi halkaas u geliyay maandooriyaha xashiishka, iyagoo doonayay inay ka Ganacsadaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Cajiin:- Daanyeerkii Ugu Horeeyay Ee Moobeel Iskaga Qaaday Sawiro Selfy Ah Iyo Siday Ku Dhacday

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Ramaax Oo Si Adag Ugu Jawaabay Wasiirka Warfaahinta Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif ” Wixii Dalka Ka Dhaca Mas’uuliyadeeda Waxaa Qaadaya Farmaajo”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More