Xukuumadda Somaliya Oo Soo Saartay Amaro Ku Socda Imaamyada Masaajidda

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka ayaa kulan looga hadlayay ka hortagga faafida COVID-19 kulan kula qaatay masjidka Isbaheysiga Culimaa’udiinka, Imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda Muqdisho.

Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahanyahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna.
Kulanka ayaa inta uu socday laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul-dhigaya Masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda Cudurka COVID-19

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

hageyso:-Waare “Kheyre Waxaa Uu Hirshabeelle Ka Hor Istaagay Mashaariic Gaadheysa 250 Milyan Oo Dollar”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qayb Galay Munaasibada 1 Luuliyo

Bnnstaff Bnnstaff

Bashar al-Assad Oo Markii Afraad Loo Dhaariyay Xilka Madaxweynaha Ee Dalka Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More