Kalluumeysatada Kenya Oo Ka Baroortay Fashilka Ku Yimid Dowladooda Ee Dacwadda Badda

Kalluumeysatada Kenya ayaa Isniintii ka mudaaharaaday cabsida ay ka qabaan in ay waayaan dhaqaalahooda ka dib markii ku fashilantay Kenya muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Dhegeysiga dacwadda toddobada sano jirsatay ee ay keentay Soomaaliya ayaa laga bilaabay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague, iyadoo Kenya ay diiday inay ka qaybgasho.

60 kaluumeysato Kenyaan ah ayaa kumanaan mayl isugu soo ururay jasiirada Lamu, iyagoo rajeynaya inay soo bandhigaan cabashooda kana codsadaan maxkamada iyo dowladaha inaysan ilaawin oo noloshooda ay ku xiran tahay badda lagu muransan yahay.

“Dowladuhu waxay diiradda saarayaan danaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska oo keeni kara dakhliga dowladda. Laakiin anaga nooma jeedaan xaalad halis ayaan wajaheynaaa” ayuu yiri Adam Lali Kombo oo ka mid ah Kalluumeysada.

Kaluumeysatada mudaharaadayay ayaa soo xirtay funaanado ay ku qornaayeen halku dhig ah “Badbaadinta Lamu Biyaha”, waxaana ay dulsaarnaayeen doonyo.

Waxay ka walwalsan yihiin inay waayaan marinka biyaha badan ee waqooyiga ka xiga magaalada Kiunga, oo xigta xadka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Amniga Somaliya Oo Laamaha Amaanka Ku Amray Ilaalinta Amniga Iyo U Tudhista Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Hadii Ay Koomishanku Deg Deg Dib U Sixid Usamayn Waayaan Waxaanu U Qaadaynaynaa In Ay Ugu Talo Galeen In Awdal Aan La Iska Diiwangalin” Gudoomiye Xigeenka Ururka Kaah Cabdilaahi Dheere

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Lagu Faa’idaa Ma Jiree Waa Lagu Burburaa” Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Dagaalka Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More