Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ansixiyay Heshiiska Doorashooyinka Somaliya

Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa mid isha lagu wada haayay.

Ajendaha kulanka labada Aqal ayaa waxaa uu ahaa U Codeynta heshiiskii siyaasadeed ee jiheynta doorashada 2020/2021 ee dhawaan ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa soo xiray 252 Mudane oo isugu jiray Xildhibaano iyo Senataro, kuwaasi oo siweyn uga dooday heshiiskii siyaasadeed ee jiheynta doorashada, iyagoo markii dambe ansixiyay.

252 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo heshiiska Doorashada dalka Soomaaliya, waxaa diiday 2 Xildhibaan, halka 1 Mudane uu ka aamusay, waxaana sidaas lagu meel mariyay heshiiskii siyaasadeed ee jiheynta doorashada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Natiijada codkii loo qaaday Heshiiska, isaga oo shaaciyay in heshiiskaas uu ansax yahay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xiisad Ka Taagan Baydhabo Iyo Laftagareen Oo Amray In Mucaaradka Laga Saaro Baydhabo

Bnnstaff Bnnstaff

Khilaafka Dowladaha Masar Iyo Itoobiya Oo Sii Xoogeystay Iyo Masar Oo Xulafaysi Cusub Ku Waajahaysa Khilaafka

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Dalka Koonfur Afrika Oo Diiday Inay Soo Xiraan Madaxweynihii Hore Ee Dalkaasi Jacob Zuma

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More