Khuburro Loo Xil Saaray Inay Baaraan Tallaalka Karona Ee Qeyb Kamid Ah La Keenay Soomaaliya

Khuburro loo xil saaray inay wax ka ogadaan badqabka tallaalka Karona oo ka socday Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa maanta yeelanaya shir ay uga golleeyihiin inay dib u eegis ku sameeyaan tallaalka ka hortagga cudurka Karona ee Oxford-AstraZeneca kadib dalal dhowr ah oo ka tirsan Yurub ay joojiyeen adeegsiga tallaalka.

Waxaa jira ilaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo dadka tallaalka qaatay uu ku dhacay xinjirowga dhiigga.

UK iyo WHO waxay sheegeen in uusan jirin caddeymo ku aadan in tallaalka lala xiriiriyay xinjirowga dhiigga.

Waaxda dawooyinka u qaabilsan Yurub ayaa maanta shir ka yeelanaya walaaca laga muujiyay tallaalka.

Waxaana lagu wadaa inay kasoo saaraan go’aan ku aadan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

Ku dhawaad 17 milyan oo qof oo ku nool Yurub iyo UK ayaa qaatay tallaalka ka hortagga Covid-19 xilli lasoo weriyay kiisas ku saabsan in dad qaatay tallaalka lagu arkay xinjirowga dhiigga.

Dhawaan ayay aheyd markii Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ay ugu baaqday dalalka in aysan joojin isticmaalka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira inuu sababo xinjirowga dhiigga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midowga Musharixiinta Somaliya Oo Banaanbax Kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Malateriga Afghanistan Oo Howl Gal Ka Dhan Ah Daalibaan Ka Fuliyay Waqooyiga Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Hey’adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Ee NISA Oo War Ka Soo Saartay Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More