Tirada Dadka Uu Haleelay Cudurka Covid 19 Ee Gudaha Dalka Somaliya Oo Sare U Kacay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee kasoo saartay Cudurka COVID-19 ee dalka waxaa ay ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay la diiwaan-geliyay 109 oo kiisas cusub ah.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir (14), Somaliland (52) Jubbaland (8), Galmudug (2), Koonfur Galbeed (32) iyo Hirshabeelle (1) qof, 68ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 41-na ay yihiin haween.
Saacadihii ugu dambeeyay Cudurka COVID-19 ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday 2 qof, Somaliland 2 qof iyo Koonfur Galbeed oo 2 qof, waxaana dadkaas ay kamid ahaayeen dhammaantood dad uu horey ugu dhacay Cudurka.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee guud dalka Soomaaliya laga diiwaan-geliyay ayaa haatan gaartay 9,437 waxaa bogsootay 4,306 Ruux. guud ahaan 385 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Warark BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Laayay Dalka Koonfur Afrika Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Hantii Borama La Galinlahaa Dabaqyo Ayaa Lagu Dhistay” Xisbiga Wadani Oo Si Adag U Dhaliilay Maayirka Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Maalgashiga Turkigu Ku Sameeyay Soomaaliya Oo Gaadhay $ 1 bilyan Iyo Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More