Toogasho Ka Dhacday Gudaha Dalka Maraykanka Iyo Tarada Dadka Ku Dhintay Toogashadaasi

Toogashadan ayaa waxay shalay galab ee Xilliga Mareykanka ka dhacday deegaano hoos-taga Caasimadda Gobalka Georgia ee Atlanta.

8 qof oo 6 ka mid ahaayeen Haween asalkooda ka soo jeedo Qaaradda Eeshiya (Asian descent) ayaa lagu dilay 3 Toogasho oo ka dhacday duleedka Atlanta.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Toogashada Koowaad lagu dilay ka mid ahaayeen 2 haween oo asalkoda Eeshiyaan yahay iyo Haweeney iyo Nin kale oo caddaan ah.

Toogasho kale, Saraakiisha Boliska Atlanta waxay ka fal-celiyeen Qeylo-dhaan ku aadanayd Dhac Hubeysan oo dhacay ka hor 6-dii galabnimo ee shalay, waxayna Boliska halkaasi ku arkeen maydka 3 haween oo la wada toogtay.
Boliska waxay goob kale ka heleen maydka haweeney 4-aad oo asal ahaan Eeshiyaan ahayd.

Dhinaca kale, Nin lagu tuhunsan yahay inuu geystay Toogashadaasi ayey Boliska saacado kadib ku qabteen deegaan 240-KM dhanka Koonfurta ka toosan magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia.

Eedeysanaha waxaa magaciisa lagu sheegay Robert Aron Long oo 21-jir ah, kaasi oo aan wax iska caabin ah kala hor-imaanin Boliskii ku qabtay Waddada Highway-ga.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Boliska Atlanta ayaa lag sheegay in Eedeysanaha lala xiriirinayo dhamaan Toogashadaasi, kadib, markii la helay caddaymo Muuqaal ah goobihii ay dilalku ka dhaceen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

MW Faransiiska Emmanuel Macron Oo Sheegay In Saldhigyada Afrika Uu Ciidankiisa Ka Saaray Uu u Baddelayo Xeryo Tababar.

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Ka Dareen Celiyay Guusha Ay Somaliya Ka Gaadhay Kiiskii Bada

Bnnstaff Bnnstaff

“Arinkii Wareega Kawbaad Raali Galin Iyo Xaal Baan Ka Bixinayaa” Raysal Wasaare Ku Xigeen Mahdi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More