Madaxwayne Joe Biden Oo Dhiig-yacab Waalan ku Tilmaamay Dhigiisa Ruushka Una Hanjabay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin uu ka qomameyn doona isku daygii ay ku doonayeen inay ku farageliyaan doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii hore.

Mr. Biden oo la hadlayay telefishenka ABC ayaa sidoo kale sheegay inuu u maleynayo in madaxweynaha Ruushka uu yahay nin dilaa ah.

Moscow ayaase beenisay warbixinta Mareykanka ee la daabacay talaadadii lasoo dhaafay, taasoo madaxweyne Putin ku eedeysay inuu isku dayay inuu minja xaabiyo madaxtinimada Biden, taageerana u muujiyo madaxweynihii hore, Donald Trump.

Afhayeenka aqalka Kremlinka ayaa sheegay in eedeynta Mareykanka ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn oo la been abuuray.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Ciidanka police Ka Ayaa Saaka Waabarigii Noo Soo Daatay Albaabkana Nagu Soo Jabiyay” Qoyska Wariye Coldoon

Bnnstaff Bnnstaff

“Xisbiga Waddani Ayaa Abaabulay Qaskii Xalay” Cuqaasha Madaxweynihii Hore Ee Somaliland.

Bnnstaff Bnnstaff

Erdogan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Israa’iil Ee Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More