Dowlada Tanzania Oo Yeelatay Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Dumar Ah

Saamiya Suluxu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Tanzania Madaxweyne ka noqota, ka dib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli.

Gabadhan 61 sano jir ah ayaa aheyd madaxweyne ku xigeenkii dalkaas, sida u dastuurka qaba marka madaxweynaha geeriyoodo waxaa xilka qabanaysa ku xigeenkiisa.

“Anigoo ah, Saamiya Suluxu Xasan, waxaa balan qaadayaa in si daacad ah aan u ilaaliyo dastuurka Tanzania,” ayay tiri Saamiya.

Saamiya ayaa ku dhalataya jaziiradda Zanzibar ee badweynta India ee ka tirsan dalka Tanzania, waxayna siyaasadda ku jirtay 20 sano ee la soo dhaaday, waxay aheyd gabar udub dhexaad u ah xisbiga talada haya ee CCM, madaxweynihii geeriyooday ee John Magafuli ayaa madaxweyne ku xigeen u doortay 2015.

Bishii October, ee sanadkii hore ayaa mar kale dib loo doortay, doorasho ay hareysay wax isdabo marin iyo eedeymo kale.

Saamiya waxay noqotay madaxweynihii 6 aad ee Tanzania.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Maayirka Magaalada Jigjiga” TPLF sidii Ay Jigjiga U Gumaysan Jireen Ayay Villa Somaliya u Maamuli Jireen

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Wada-Hadallo La Fureyso Dowladda Kenya Iyo Nuuca Wada Hadaladaasi

Dowlada Jubuuti Oo Itoobiya Ku Wareejisay Sadex Nin Oo La Sheegay In Ay Ka Tirsanaayeen TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More