Maamulada Puntland Iyo Jubbaland Oo Ka Jawaabaya Qoraal Kasoo Baxay Villa Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay jawaab rasmi ah ka bixin doonto qoraal xalay saqdhexe kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay bixin doonto jawaabta ku haboon, waxaana sida wararka ay sheegayaan ay u badan tahay in ay diidi doonto.

Dhanka kale dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laga sugaya in ay go’aan kasoo saaraan qoraalka kasoo baxay Villa Soomaliya.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaday ee Farmaajo ayaa shir iskugu yeeray Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DF iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal wasaare Rooble Oo Daah-furay Hay’ay Ka Shaqeyneysa İlaalinta Tayada Badeecadaha Dalka Soo Gala

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Oo Qeylo-Dhaan Deg-Deg Ah U Diray Dowladda Federaalka Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo War Ka Soo Saartay Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More