Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa waxay shalay sheegtay inay qalin jebiyeen Dufcad Cusub oo ka tirsan Ciidanka Milliteriga Somalia, kuwaasi oo tababar ku qaatay Gobalka Isparta ee K/Galbeed ee Turkiga.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxaa lagu muujiyey inay soo dhaweynayaan Munaasabad lagu qabto Somalia oo lagu soo dhaweynayo Dufcadda 6-aad ee Ciidanka Lugta ee Milliteriga Soomaaliya kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxay kaloo sheegtay in Ciidanka dhameystay Tababarka Komaandooska ku qaateen Xarunta Tababarka La-dagaalanka waxay ugu yeereen Argagixisadda oo ku taalla Gobalka Isparta ee K/galbeed Turkiga.
Bishan March 1-dii, ilaa 300 Askar Somali ah ayaa dib ugu soo laabtay dalka, kadib, markii ay soo dhamaysteen tababar ay ku soo qaateen Turkiga.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dalka Turkiga u dirtay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ah, kuwaasi oo loo qaaday tababar, isla markaana dowladda sheegtay in Ciidankaas markii tababarkood soo dhameystaan dib loogu soo celinayo dalka.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com