Madaxwayne Farmaajo İyo Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Shir Hor Dhac Ah Ku Yeeshay Xalane

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Goor dhow kulan hordhac ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.

Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay furitaanka Shirka guud ee Maanta dhexmaraya Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee xilka sii-haayo, waxaana intiisa badan diirada lagu saaray Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ee ka dhacaya Afisyooni.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka Madaxda ee Magaalada Muqdisho ka furmaya, waxaana Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo hadlay uu sheegay in Shirkaas aysan ka qeyb geli doonin, maadaama aan lagu soo wargelin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe laga shaki qabo inuu isna ka qeyb gelin Shirka looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Guruuje Oo Golaha Wakiilada Horkeenay Xeer Labo Sano Horyaalay Golihii Hore Wakhtigoodu Dhamaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Safiirka Mareykanka Ee Somaliya Oo Digniin La Xidhiidha Doorashada U Diray Madaxda Dowlada Iyo Musharaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo Maanta Tegaya Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More