Masuul Ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku geeriyooday Agaasimihii Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Federaalka ee u joogay degmadaas Cabduqaadir Saciid Yuusuf (Quuriye).

Warar la helayo ayaa sheegaya in Agaasime Cabduqaadir Saciid uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay oo uu ku dhacay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.
Geerida ku timid Agaasimihii Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada dowladda ee degmada Hobyo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Deegaano ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ayaa waxaa la sheegay inuu Cudurka siweyn ugu faafayo, isla markaana ay jiraan dadka halkaas Cudurka ugu geeriyooday, halka dad kalena uu haayo.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa siweyn ugu soo laba kacleeyay Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ay diiwaan-gelisay boqolaal kiis iyo dad farabadan oo u dhintay Cudurka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Bare Oo Qudbad Dhinacyo Badan Ka Jeediyay Shirka Guud Ee Golaha Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Dagaal Sokeeye Ka Qarxo Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

“Arrinta Laascaanood Waxa Aannu u Nisbaynaynaa Arrin Shaydaan Abuuray” Siyaasi Warancadde

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More