Maraykanka Oo Dani Iyo Axmed Madoobe Ugu Baaqay In Ay Shuruud La’aan Kagaga Qayb Galaan Shirka

Safaaradda Mareyanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada inay shirka wadatashiga doorashooyinka siwadajir ah uga qyeb galaan.

Qoral kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareyanka ee ayaa la faray Maamul goboleedyada in si shuruud la’aan ah shirka uga qeyb-galaan si heshiis looga gaaro arrimaha doorasooyinka.

Maalintii labaad ayaa Xarunta Xerada Afisooni ee Magaalada Muqdisho waxaa shir uga socdaa Madaxweynaha muddo xiledkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada taageran, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ay shirar gaar gar ah la yeelanayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee Saciid Cabdullahai Deni & Axmed Madoobe si loogu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kulan Lagaga Hadlayay Xaalada Gobolka Awdal Iyo Sidii Loo Horumarin Lahaa Oo Borama Ka Qabsoomay

Bnnstaff Bnnstaff

Mishiinka Kalyaha Sifeeya Iyo Xarunta Kaydka Dhiiga Oo Laga Daahfuray Isbitaalka Guud Ee Boram

Bnnstaff Bnnstaff

Muhaajiriin Maydadkooda Laga Helay Webi Mara Xadka Mareykanka Iyo Canada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More