Deni Iyo Safiirak Turkiga Ee Somaliya Oo Kulan Wada Hadal Ah Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha muhiim ah.

Kulanka oo ku qabsoomay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), ayaa labada mas’uul waxaa ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.

“Waxaan kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada ayuu yiri” Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland saciid Cabdullaahi Deni ayaa tabasho ka qabay dowladda Turkiga kadib markii uu sheegay in Ciidamada ay Soomaaliya u tababaraan siyaasad loo adeegsaday, isla markaana lagu weeraray dadka ka aragti duwan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Boramanews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Soomaaliya Oo Rasaas Isku Furay

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Ku Baaqay In La Kala Diro Ciidamada Gaarka Ah Ee Ka Amar Qaata Maxamed Bin Salmaan

Bnnstaff Bnnstaff

Ururka Daalibaan Oo Qabsaday Magaaladii Ku Soo Xigtay Caasimada Dalka Afghanistan Iyo Macluumaad Kale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More