Shir Deg Deg Ah Oo Muqdisho Uga Socda Madasha La Baxday Badbaado Qaran

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa hotel ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde.

Kulanka Madasha ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyada ay maalintii labaad ku yeesheen Teendhada Afisyoon

Kulanka oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa sidii kale looga hadlayaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana la filayaa in markii uu dhammaado kulanka ay Madaxda la hadlaan warbaahinta.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan ka qeyb gelin maalintii labaad Shirka Madaxda dowladda iyo maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ku yeesheen Afisyooni.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Mareykanka Madaxda dowlad Goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Deni iyo Axmed Madoobe laga dalbaday inay ka qeyb galaanka Shirka doorashada, iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galkiisa.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

“Dahab Baad Tahee Dabka Ha Isku Ridin” Waa Barnaamij Lagaga Hadlayay Dhalinyarada Haweenka Ah Ee Is Guba

Bnnstaff Bnnstaff

Wiilkii Curad Ee Marxuun Eng Yariisaw Oo Qudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Dhuusamareeb Iyo Heshiis Hordhac Ah Oo La Gaadhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More