Weerar Askar Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdishi Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dileen Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ku hubeysan bustoolado ay dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kamid ahaa kuwa ilaalada ka hayay Isgoyska.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi tegay askar kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka askartii weerarka lagu dilay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ragga hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay horay u sii qaateen hubkii ay wateen askarta.

Ciidamada Booliska ee tegay Isgoyska Siinaay ayaa hallaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka askarta walow aysan ku guuleysan inay qabtaan, waxaana muddo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow dib loo furay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maydadka Labo Qof Oo Laga Helay Duleedka Magalada Jowhar.

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Sobobta Midowga Yurub Uhakiyay Dhaqaalihii Uu Siin Jiray Dalka Itoobiya?

Bnnstaff Bnnstaff

Taiwan Oo Dacwad Kusoo Oogtay Nin Bixiyey Amar Lagu Toogtay Koox Soomaali Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More