Jaamacadda Carabta Oo Sheegtay In Ay Ka Go’an Tahay Taageeridda Horumarka Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyt ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu dadaal ballaaran ku bixineeyso taageeridda Soomaaliya, si loo gaarsiiyo xasilooni iyo horumar ballaaran.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo maalmahaan booqasho ku jooga dalka Masar.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ariimaha ugu danbeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo sidii taageera dhameystiran loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha hor yaala.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageeridda Sooomaaliya si looga guuleysto Kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta sida ay u garab istaagtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna codsaday in lasii laba jibbaaro dadaalada lagu taageero Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe” Waa Nasiib Darro In 62-sano Ka Dib Walaalaheenna Gobolada Waqooyi Ay Ka Maqan Yihiin Dalka Intiisa Kale”

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Lacag Ugu Deeqay Abaarta ka Jirta Soomaaliya Iyo Tirada Lacagtaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Dib u Celiyay Diyaarad Uu Saarnaa Qof Laga Shakiyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More