Jabuuti Iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya Oo Ka Wada Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gabadh Somaliyeed Oo Ku Guulaysatay Tartanka Quruxda Ee Muslimiinta Ku Nool Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Pakistan Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuq Yuhuuddu Ku Hayso Shacab Falastiin

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Diiwan Galinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Shaaciyay Ururada Soo Baxay Iyo Ku Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More