Amnesty International Oo Sheegtay In Cabdirashiid Janan Uu Geystay Xad Gudubyo

Dowladda Soomaaliya ayaa laga dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Cadaaladda la horgeeyo Cabdirashiid janan oo heshiis la gaaray Dowladda Soomaaliya, si weyna loogu soo dhaweeyay Magaalada Beled-xaawo.

Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan uu gaystay dambiyo uu ka galay shacabka ku nool Gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay dilal loo gaystay dad shacab ah iyo sidoo kale in uu is hor istaag ku sameeyay gar-gaar la doonayay in la gaarsiiyo Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale ay sheegtay Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International in uu gaystay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqul iinsaanka.

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dalbatay in Dhibanayaasha iyo qoysaska ay saamaynta ku yeesheen falalka inuu ka gaystay Cabdirashiid Janan helaan Cadaaladda.

Cabdirashiid Janan ayaa heshiis la gaaray Dowladda Federaalka, waxaana si weyn loogu soo dhawweyay duleedka Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo Soodhaweynta Cabdirashiid Janan ay ka qayb qaataay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaaday Isku-Day Mooshin Xilka Looga Qaadi Lahaa

Bnnstaff Bnnstaff

“Aqoonsigii La Siiyay Somaliya Wuxuu Noqday Hub Lagula Dagaalamo Xasiloonida Somaliland” Madaxwayne Muuse

Bnnstaff Bnnstaff

Xafiiska Imtaxaanaadka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Xisbiyada Mucaaridka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More