Puntland Oo Dowladda Soomaaliya Ku Eedeysay khalqal Gelinta Amniga Degaanadeeda

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & wasiirka qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan inay dibadbaxyo ka abaabulayan degaano ka tirsan Gobolka sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay fowdo iyo kicin dadweyne ka wado meelo kamid ah obolka Sanaag, hayeeshee Puntland ay ka hortagtay.

“Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Gamal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen ayuu ku yiri” Jaamac Dabaari.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay artiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in dowladda federaalka ay degaannada Puntland ka wado Abaabul lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dadka ku ool Magaaladaas, hayeeshee waxaa rasaas ku kala eryay Ciidamo ka tirsan Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Dani Iyo Axmed Madoobe Ugu Baaqay In Ay Shuruud La’aan Kagaga Qayb Galaan Shirka

Bnnstaff Bnnstaff

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Oo Shaaciyay In La Xidhay Macalimiin Qishka Ka Qayb Qaatay

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Lagu Laayay Goobihii Codbixinta Ee Doorashadii Itoobiya Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More