Qarax Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Millateriga Soomaaliya Oo Ka Dhacay Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax lala beegsaday gaari uu la socday Sarkaal katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana Sarkaalku uu marayay laamiga Dayniile gaar ahaan agagaarka Ceelka Ifis.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in uu haleelay gaariga uu la socday Sarkaalku, waxaana dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeen in jugta qaraxa laga maqlay Xafadaha ka ah dhow Ceelka Ifiska oo ah halka qaraxu ka dhacay.

Sarkaalka ayaa Magaciisa waxaa lagu soo koobay Cali Bariis, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu u dhintay dhaawac culus oo qaraxa kasoo gaaray,iaydoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka Dowladda kuwaasi oo hakad galiyay isku socodka guud, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga degmada oo ay kaga hadlayaan qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In La Kordhinayo Weerarada Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan Oo Sheegay In Uusan Aqoonsanayn Raysal Wasaaraha Giriiga

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Cambaareysay Duqeyn Lala Beegsaday Xero Ku Taalla Yemen Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More