Odayaal Kulan La Soo Qaatay Ururka Alshabaab Oo Lagu Xidhxidhay Gobolka Gedo

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in odayaal la kulmay Al-shabaab ay ku xireen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Odayaashan ayaa waxaa lagu qabtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay ka qeyb galeen munaasabad lagu caleema saarayay Nabadoon ay garwadeen ka aheyd Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in odayaasha la xiray ay tiradooda ay gaarayso seddex qof.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga iyo Siyaasada Gobolka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa shaaca ka qaaday in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan odayaasha ay xireen, islamarkaana waxaa uu sheegay in odayaal kale hada ay baadi goobayaan, kuwaasi oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu digniin u diray odayaasha xiligan doonaya in ay kulan la qaataan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay maxkamad horgeyn doonaan odayaasha ay xireen.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Mareykanka Oo Maraakiib Dagaal U Soo Diray Xeebaha Soomaaliya Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Yuhuuda Netanyahu Oo Si qarsoodi Ah Ula Kulmay Maxamed Bin Salmaan

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Kenya Baadi Goobaya Xildhibaanad Canab Guure Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More