Musharax Daahir Geelle Oo Ka Hadlay Dadaallada Doorashooyinka Baaqna U Diray Shacabka Somaaliyeed

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay dadaallada ay waddo beesha Caalamka ee lagu doonaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho aan aheyn hal dhinac ee lagu wada qanacsan yahay.

Mudane Daahir waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay soo dhaweynayaan ayna juhdi ku bixin doonaan dadaal kaste oo ku saabsan doorashooyinka si dalka looga saaro jahwareerka siyaasadeed.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka in aysan niyadjabin ayna taageeraan dadaallada socda.

War kasoo baxay Musharax Daahir Geelle ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan si dhaw ula soconnaa, bogaadinayaana dadaallada ay saaxibbada Soomaaliya ku bixinayaan in xal laga gaaro ismariwaaga arrimaha doorashooyin.

Haddaanu nahay qeybaha kala gadisan ee siyaasadda dalka ( XFS, DGs iyo Midowga Murashaxiinta )

Waxaa nala siman in aan u hoggaansanno himilada dadkeenna ee ah nabad, wadahadal iyo doorashooyin xor iyo xalaal tixgalinno dadaalka saaxiibada Soomaaliya.

ugu danbeyn edda looma sinno oo XFS ayaa leh balse xalku waa mid noowadayaal.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in aysan dhacdooyinka taagan ku niyad jabin, rajada iyo yididiiladu waa ay wanaagsantahay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dad Somali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Zambia

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka wasarradda dhalinyarada Hawenka Iyo dhalanka Ethiopia Marwo Filsan Oo Is Casishay Iyo Sobobta Oo Ay Sheegtay

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Shacab Ah Oo Ka Cadheysan Duqeymaha Kenya Ka Geysato Gobolka Gedo Oo Banaanbax Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More