Madaxwaynihii Hore Ee Tanzania Oo La Aasayo Iyo Dad Ku Jees Jeesay Geeridiisa Xabsiga Lagu Guray

Madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli ayaa maanta lagu aasi doonaa magaalada uu ka soo jeedo ee Chato, oo ku taalla waqooyi-galbeed dalkaas.

Waxaa tan iyo Isniintii caasimadda Dodoma ka socotay tacsida madaxweynaha.

Madaxweynaha oo markii uu geeriyooday 61 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun wadnaha ah.
Booliiska ayaa afartaas qof Sabtidii ka soo xiray waddo ku taalla Mwanjelwa iyaga oo diyaarinayay maraq ari iyo khamro dhaqameed, sida uu weriyeyaasha dalkaas u sheegay Urlich Matei, oo ah madaxa booliiska gobolka koofur galbeed dalkaas ku yaalla ee Mbeya.

Wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dadka qaar ay sidan u dhaqmaan xilli dalkaasi uu baroordiiq ku jiro.

“Dalka oo dhan wuxuu u baroordiiqayaa madaxweyneheennii la jeclaa John Magufuli…balse xilligan waxaan helnay warar sheegaya afar qof oo ku jeesjeesaya musiibadan,” ayuu yiri.

“Waxa ay sameeyeen waxay calaamad u tahay inay doonayaan inay qas iyo xasilooni darro ka abuuraan gobolkaas,” ayuu yiri.

Waan soo xirnay waxaana wadnaa baaritaan, markii aan helno dhammaan caddeymaha waxaan geyn doonnaa maxkamadda,” ayuu yiri.
Geerida Magufuli waxaa la shaaciyay 17 March.

Meydka ayaa loo qaaday xaafaddiisa Geita si ay dadka Tanzania ugu muujiyaan xushmad kahor inta aan la aasin maanta oo Jimco ah.

Dalkaas ayaa joojiyay dhammaan howlaha dadweynaha inta lagu guda jiro 21 maalmood oo loo asteeyay in loogu baroordiiqo madaxweynaha.

Kaddib geeridii Magufuli, waxaa madaxtinnimada Tanzania loo dhaariyay Saamiya Suluhu Xasan oo ahayd madaxweyne ku xigeenkii dalkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Erdogan Oo Ku Baaqay In Wadamada Africa La Siiyo Codka Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Cabdixayi Oo Si Wayn Uga Hadlay Faragalinta Beesha Caalamka Ee Doorshada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dhacdo Naxdin Leh:- Nin Xaaskiisa Oo Xamilo Ah Ku Gowracay Shabeellada Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More