Dowlada Ingiriiska Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Sugidda Amniga Doorashooyinka

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay arimmo badan oo ay ku jireen xoojinta taageerada Dalka Ingiriiska uu siiyo ciidanka iyo sugidda amniga doorashooyinka oo lafdhabar u ah Boliiska

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho,waxaa labada mas’uul ay is dhaafsadeen hadallo warbixin ah,iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.
Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Koonfur Africa Oo Xayiraado Cusub Ku Soo Rogtay Dalkaasi Iyo Cabsi Laga Qabo Covid 19

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xaalada Iyo Mustaqbalka Dalka Liibiya

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Kulamo Ka Wada Dalka Masar Iyo Nuxurka Kulamadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More