Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa sheegay in saakay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho la geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Ilaalada Shacabka.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ku sugan Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada Shacabka ee la geeyay Xarunta Golaha uu dalbaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
“Maleeshiyaadka Ilaalada Shacabka ee Fahad Yaasiin hoostaga ayaa saakay xarunta Golaha Shacabka la soo dhoobay. Waxaana naloo sheegay in Gudoomiye Mursal dalbaday. Sida muuqata Mursal CIMRI TAGAY AYUU CEEB KU SAGOOTINAYAA” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta waxaa kulan ku yeelan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu kulan jiro.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo Cudurka ah.
Baraha Bulshada ayaa waxaa siweyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ugu sheegeen inay shaki farabadan ka qabaan kulanka, iyagoona sheegay in laga cabsi qabsi qabo in dowladda dalbato muddo kororsi, waxaana kulankaas uu yahay mid Maanta isha lagu wada haayo.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com