Dad Gaadhaya 50 Qof Oo Lagu Laayay Banaanbaxyo Ka Dhacay Dalka Myanmar

Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley guud ahaan Myanmar kadib markii ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen dadka mudaharaadayey, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Tirada dhimashada waxay ka dhacday 13 magaalo ee ugu weyn dalka, waxaana ku jira caasimada ganacsiga ee Yangon.

Tani ayaa ku soo beegantay iyada oo shalay uu sheegay Janaraalka hogaamiya militariga Myanmar uu ballanqadaay in la qaban doono doorasho, ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February.

Tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen ayaa waxaa booliiska dalkaasi lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah adeegsaden islamarkana ay dileen dad dibadbax dhigayay.

Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa sarakiil ka tirsan maamulka militariga ay ku soo rogeen cunaqabateyn.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Liz Truss Oo Noqonaysa Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Britain

Bnnstaff Bnnstaff

Raila Oo Shuruud Ku Xiray Tagista Goobta Lagaga Dhawaaqayo Natiijada Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Yurub Oo Isku Khilaafsan Cuna-Qabataynta Saliidda Iyo Gaasta Dalka Ruushka.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More