Gudoomiye Mursal Oo 15 Xildhibaan Ka Joojiyay Kulamada Golaha Shacabka Iyo Magacyada Xildhibaanadaasi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 15 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka ka joojiyay kulamada Golaha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa waxaa 15-ka Xildhibaan lagu eedeeyay inay is hor istaag iyo fowdo ku sameeyeen kulankii shalay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu kala tegay, kadib markii uu buuq hareeyay.

Xildhibaanadan ayaa laga joojiyay inay ka qeyb galaan 5 kulan oo uu yeelanayo Golaha Shacabka oo kulanka ugu soo horreeya uu dhici doono berri sida uu qorshahu yahay, waxaana Xildhibaanadaas kamid ah Mahad Maxamed Salaad iyo Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare.

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shalay diiday inuu furmo kulanka Golaha, isla markaana is hor istaag ku sameeyay Guddoomiye Maxamed Mursal oo damcay inuu kulanka furo, sidaasina lagu kala tegay.

Hoos ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada laga joojiyay kulamada Golaha Shacabka.

Related posts

Doorashada Qaar Ka Mid Ah Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Looga Hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe Iyo Dhiggiisa Turkiga?

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Cusub Ee Magaalada Burco Oo Fagaare Kala Hadlay Bulshada Reer Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More