Sheekh Shariif Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qoor Qoor Iyo Cali Guud Laawe Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Shariifka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo sida loo xalin karo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo aan weli wax heshiis rasmi ah laga gaarin.
Inta uu socday kulanka looga arrinsaday sida Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaalka lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor ah u dhacda.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo labada Madaxweyne maamul ayaa waxaa mar dambe ku biiray galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, RW hore Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shalayn ayey aheyd markii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay ka qeyb galeen shir u furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, iyagoona u gudbiyay tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo sida lagu xalin karo khilaafka taagan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Masar Ku Eedeysay Inay Xasilooni Darro Ka Abuureyso Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Rabshado Wali Ka Socda Dalka Maraykanka Iyo Trump Oo Waji Gabax Xoogan La Kulmaya

Bnnstaff Bnnstaff

Sri Lanka:- Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Maydka Ilmo Yar Oo Muslin Ah Oo La Gubay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More