Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Jubbada Hoose

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Baar-sanguuni.

Dagaalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni, waxaana sidaas ku dhacay dagaal hub Culus la isku adeegsaday.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka inta uu socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, sida hadalka ay u dheegeen Saraakiisha.

Faah faahin intaas ka badan ma aysan Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Juubbaland ka bixin weerarka, dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay intaba, wallow ay sheegeen oo kaliya inay guul gaareen.

Al-shabaab ayaa dhowr mar weeraro kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaaday Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Ruushka Iyo Shiinaha Oo Sameeyay Dhoola-tus Milatari Oo Wadamo Badan Cabsi Galiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Somaliyeed Ee Qaadka Itoobiya Ku Bedelanaysa Kaluunka

Bnnstaff Bnnstaff

‘Nin Soomaali Ah Oo Loo Qabtay Qarax Ka Dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen’

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More