Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kulamada Ka Socda Muqdisho Iyo Arimaha Doorashada Somaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa soo dhaweeyay dadaalada la xiriira xal ka gaarista khilaafka doorashooyinka oo ay Muqdisho ka wadaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

Amb, James Swan oo ka hadlayay Kulan Wakiilada Beesha Caalamka & Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex-maray Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalada Madaxda dowlad goboleedyadasi looga dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebteembar.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri” wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan,

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jireen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida six al looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Digniin Laga Soo Saaray Roobab La Filayo In Ay Ka Da’aan Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Barkhad Jaamac Batuun Oo Xadhiga Ka Jaray Xaruntiisa Ololaha Oo Ku Cusub Ololaha Doorashoohinka

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo War Ka Soo Saartay Sobobihii Ay U Tegi Wayday Maxkamada İCJ

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More