Borama News Network

Raysal Wasaarihii Hore Ee PakistanImran Khan Iyo Marwadiisa Oo Lagu Xukumay 14 Sano Oo Xabsi Ah

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan & Marwadiisa Bushra Bibi ayaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay kiisas kala duwan oo ugu dambayn xukunkaas loo cuksaday sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Khan waxaa shalay oo Talaado ahayd lagu eedeeyay in uu bannaanka soo dhigay siraha qaranka halka maanta oo Arbaco ah lagu xukumay 14ka sano waxa ay taasi keentay hadal-hayn badan oo ka imaanaysa gudaha & Dibadda.

Imran Khan ayaa dhammaan kiisaska loo cuksaday ku sifeeyay kuwo aanay waxba ka jirin isla markaana dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay si loo magac dilo loogana reebo doorashada 2024 sidaas loo samaynayo.

Arrinta Ciyaaryahankii ee Ciyaaraha Kirikitka waa Imran Khan waxa ay saamayn taban ku reebtay dhinaca Amniga ee Dalka Pakistan waayo waxaa dibadbaxyo rabshada wata dhigay taageerayaashiisa oo ay isku dhaceen ciidamada Booliiska.

Aafada ku dhacday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan waxa ay kusoo billaabatay sanadkii 2022kii kaddib markii Mucaaradku ay sheegeen in xilka ay ka tuureen waxaana xigay in la xiray halka markale uu ka badbaaday isku day lagu dili rabay.

Related posts

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xaafada Islii & Laamaha Amaanka Oo La Tacaalaya.

Abdiaziz Bnnstaff

Donald Trump Oo Gaadhay Shirwaynaha Guud Ee Xisbiga Jamhuuriga Ka Dib Dhaawacii Soo Gaadhay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Farmaajo Oo Maanta Ku Waajaha Magaalada Garoowe Iyo Ujeedada Safarkiisa Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff