Maydadka Labo Qof Oo Laga Helay Duleedka Magalada Jowhar.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in degan ku yal duleedka Magaaladaas lagu arkay meydadka laba Ruux.

Meydadka labada Ruux oo uu ka muuqday dhaawacyo logu geystay Tooreey ayaa lagu arkay inta u dhaxeysa degaannada Raqayle iyo Bayaxow ee Koonfur bari magaalada Jowhar.

Dadka ku nool Magaalada Jowhar oo aad uga naxay dilka loo geystay labada Ruux ayaa waxaa ay sheegeen in meydadka aan weli la aqoonsan la keenay saldhiga magaalada Jwhar.

Weli lama oga waxa ay ahaayeen labada qof ee la dilay iyo dadka ka dambeeya dilkooda, waxana Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay sheegeen inay baaritan ku sameyn doonan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Ka Horyimid Mudo Korodhsiga Kuna Hanjabay Cunaqabatayn

Bnnstaff Bnnstaff

Qof Goobjooge Ah Oo Soo Bandhigay Qaabkii Loo Dilay Sheekh Somali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Australia

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dilkii Dhawaan Burco Loogu Gaystay Ugbaad Cali

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More