Suudaan: Maraykanku Naguma Khasbi Karo Xidhiidhka Israel Sida Imaaraatka Iyo Baxrayn

Ra’iisulwasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa sheegay in Sudan aysan dooneyn is la isku xiro ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin hortaagan helitaanka maalgalin shisheeye ee dhaqaalaha dalkaasi, iyo in la caadiyeeyo xiriirkeeda Israel.

Ilo wareedyo ayaa toddobaadkan ku warramay in saraakiisha Mareykanku ay muujiyeen in ay doonayeen in Khartuum ay raacdo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay xiriir la sameysato Israel.

Liiska Sudan u aqqoonsanaya in ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya argagixisada ayaa soo bilowday waqtigii uu dalkaasi ka talinayay kaligii taliyihii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir, waxaana ka mid ahaanshaha liiska ay adkaysay in dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ay si deg deg ah u hesho kaalmo deyn cafin ah iyo maalgalin shisheeye.

Hamdok ayaa sheegay in Sudan ay u sheegtay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo booqashadii uu bishii hore ku tagay dalkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la kala saaro ka saarista liiska Maraykanka iyo in la caadiyeeyo xiriirka ay la leedahay Israel.

“Mowduucan (xiriirka Israel) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah,” ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay shir looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha oo ka dhacay Khartuum.

Sicir bararka sii kordhaya ee dalka Sudan iyo lacagta oo hoos u siidhaceysa ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee heysta maamulka KMG ee ee Hamdok, oo talada la wadaaga militariga tan iyo markii xukunka laga eryay Bashiir.

Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee dalalka taageerada siiya argagixisada sanadkii 1993-kii, sababtoo ah Mareykanka ayaa rumeysnaa in taliskii Bashiir uu taageerayay kooxaha mintidiinta. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sudan ayaa u arka in tani aysan caddaalad aheyn maadaama xilka laga tuuray Bashiir sanadkii hore, Suudaanna ay muddo dheer iskaashi kala sameysay Mareykanka howlaha la dagaallanka argagixisada.

Burhan iyo Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa horraantii sanadkan kulan lama filaan ah ku yeeshay dalka Uganda. Haddana, yagleelidda xiriir lala yeesho Israel ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay Sudan cadow weyn ku ahayd Israel xilligii Bashiir uu talada hayay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Habloow Ama Wax Dhacsada Ama Xaafadihii Inoogu Noqda” Wasiir Maxamed Kaahin Oo La Hablaha Warbaahinta

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Warbixintii Guddiga Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

Japan: Maxay Tahay Sababta 37 Milyan Oo Qof Looga Codsaday Inay Nalalka Damiyaan?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More