Dowlada Masar Oo Bilawday Baadhitaanka Markabkii Ku Xanubmay Marin Biyoodka Suways

Kabtan Sayed Shesha, oo ah lataliye ka ah Hay’adda Kanaalka Suweys, ayaa wareeysi uu siiyay Muuqaal baahiyaha ON TV, ku sheegay in maanta ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan ciladahii qabsaday markabkii Ever given oo dhawaan ku ciladoobay Kanaalka Suweys, isaga oo intaa ku daray in baaritaanada ay noqon doonaan kuwa caalami ah madaama arrinka uu si guud u sameeyay caalamka.

Lataliyaha Hay’adda Kanaalka Suweys ayaa sharaxay in baaritaanka ay qeeyb ka ahaan doonaan hubinta in kabtanka markabku uu ka jawaabay amaradii Hay’adda ka hor inta uusan markabku ciladoobin.

Khubarada u xil saaran baaritaanka markabkan konteenarrada siday ee muddada toddobaadka ku dhow xayiray Kanaalka Suweys, ayaa su’aalo la xiriira sababaha shilka weydiin doona maamulka iyo Kabtanadii waday maraakan.

Mid kamid ah Hawl wadeenada Hay’adda Kanaalka Suweys oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in khubaradu ay iskudayi doonaan inay ogaadaan waxa sababay cilada markabka.

Wararka ayaa intaas ku daray in Injineerada ay baarayaan matoorada markabkan sitay Astaanta Panama lagana leahaa dalkaasi Japan, uu damacsanaa in uu u gudbo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Culimada Ugu Waaweyn Hargeysa Qaarkood Oo Saaka Qeyb Ka Ahaa Ololaha Wado Baneynta Ee Dawladda Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Ururka Saxafiyiinta Somaliland Oo Digniin U Diray Warbaahinta Somaliland Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumadda Mustafe Omar Oo Iska Fogeysay Inay Ku Lug Leeyihiin Dagaalka Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More