163 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Dalka Liibiya

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay 163 tahriibe kuwaas oo kusii jeeday qaaradda Yurub.

Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doon.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka lasoo badbaadiyay kasoo jeedaan wadamada Afrikaanka ah, inakasta uusan xusin magacyada wadamadooda.

Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan qaaradda Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay in dowladda Liibiya soo celisay in ka badan 11 kun sanadkii 2020, halka ay ku dhinteen xeebaha Liibiya isla sanadkaas 381 oo qof, iyadoona la waayay 597 qof.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Somaliland Oo Soo Jeediyay In Xoolaha Nool Loo Dhoofiyo Isreal

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Iyo Amiirka Dalka Qatar Oo Kulan Khadka Telefoonka Ah Yeeshay

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Dood Kulul Oo Ku Saabsan Loo Lanka Shir Gudoonka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More