Cabdirashiid Janan Oo Soo Bandhigay Waxyaabihii Ay Isku Khilaafeen Madaxweynaha Jubbaland

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya la heshiiyay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam ( Axmed Madoobe).

Janan waxaa uu sheegay in sababaha ay isku khilafeen Madaxweynaha Jubbaland ay tahay in kaliya uu doonayo in uu noqdo qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeya Maamulka Jubbaland, isla markaana qof kale uusan waxba u ogoleyn.

Waxaa uu ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ku fashilmay in muddo laba sano ah oo aga joogo dib u doorashadiisa uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaanq ofka kaliya ee hadda maamulka Jubbaland kajira uu yahay Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay keentay Magaalada Muqdisho, iyada oo intaasi wixii ka dambeeyay aan wax War ah laga helin.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wabiga Shabeele Oo Fatahaado Sameeyay Iyo Dad Ku Barakacay Biyaha Wabiga

Alshabaab Oo Mar Kale Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Labo Qof

Bnnstaff Bnnstaff

Garsoorayaal Kubada Cagta Ah Oo Ka Cabasho Ka Muujiyay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More