Madaxweyne Farmaajo Oo Mar Kale Shir Isugu Yeedhay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir isugu yimaaddaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta Sabtida ah oo bishu tahay 3-da April 2021 waxaa uu isugu yeeray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaalia, waxaana uu mar kale uga yeeray in Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni la isugu yimaado, si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.

Shirka wadatashiga ee u dhexeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa la filayay in uu ka furmo Muqdisho, iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada ay dhammaantood muqdisho ku sugan yihiin, waxaana shirka diiday in ay ka qayb galaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ugu Yaraan 9 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Sobobay Isku Dhaca 29 Gaadhi Oo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Hoose Ee Magaalad Hargaysa Oo Laga Joojiyay Qorashada Shaqaalaha Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Waxaa Lagama Maarmaan Ah Inaynu Helno Aqoon Inagu Filan Oon Ku Mamulno…” Wasiir Cataash

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More