Puntland Oo Sheegtay In Gacanta Lagu Dhigay Koox Dil Ka Geysatay Gaalkacyo

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo xalay warbaahinta kula hadlaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in cidamada ammaanka ay gacanta ku dhiugeen kooxihii ka dambeeyay dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay weli baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalo Bandow Loo Galiyay Been Uu Hal Qof Sheegay Iyo Waxa Ay Tahay Beentaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maraykanka Iyo Colaada Dalalka Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Cusub Ee Midawga Africa Ee Sanadlaha Ah Oo Raadinaya Xal U Helida Khilaafka Wabiga Nile Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More