Abiy Axmed Iyo Saddex Sano: Nabaddoon Lugaha La Galay Dagaal Dunida Cambaareysay

Dagaallo beeleedyada iyo dhiigga shacabka dalka Itoobiya ee daadanayey si loo joojiyo xal waarana loog helo ra’isal wasaarihii hore ee dalkaasi Hayle Maryam ayaa xilka ka dagay.

April 2, 2018-kii xilka ra’isal wasaaranimada waxaa loo magacaabay Dr Abiy Axmed. Isla maalinta xilka loo magacaabay khudabaddii ugu horreysay oo 35 daqiiqo socotay wuxuu ku ballaan qaaday inuu wax ka qabanayo arrima ay ka mid ahaayeen siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha dibadda oo ay ka mid ahayd soo celinta xiriirka dalka Eritrea ee 20-ka sano go’naa.

Khudbaddaasi waxaa kale uu ku sheegay “aragtida siyaasadeed in lagu kala duwanaado iney habaar ahayn”, wuxuuna cafis uu weydiistay siyaasiyiinta, dadka xuquuqda aadanaha u ololeeya iyo dhalinyarada naftooda qaaliga ah u hurtay inuu dalkan uu isbeddel uu ku yimaaddo.

Isaga oo ballan qaaday iney shacabka Itoobiya arrimihi dalka ka dhacay oo dhan ay xal u helayaan dowladdana ay dhibka shacabka gaaray magdhaw uga dhigeyso. Arrimahasi oo dhan Abiy Axmed wuxuu sheegay mar hadda laga joogo seddex sano, haddaba seddexda sana uu xilka hayey wixi u qabsoomay waxa aan u qabsoomin ayaan qormadeennan ku guud mareynaa.
Bilihi ugu horreeyey uu xilki qabtay Abiy Axmed wuxuu xabsiyada ka sii daayey maxabiisti xabsiyada ugu jirtay arrimo siyaasadeed. Jabhadihi dibadaha ku sugnaa iyo kuwi duurka ku jiray ee hubeysnaa oo dolwladda dagaalka kula jiray oo maamulladi ka horreeyey ‘ay argagixiso’ ugu yeeri jireen ayuu heshiisyo la galay una oggolaaday iney dalka soo galaan, arrimahaasi oo ah kuwo bogaadin mudan oo u qabsoomay Abiy inti uu xilka hayey.

Xagga xorriyadda saxaafaddana markaan eegno hay’adda difaacda wariyeyaasha ee CPJ oo 2019-kii warbixin ka soo saartay arrimaha xorriyadda saxaafadda ee Itoobiya isbeddelka ku yimid waxay ku tilmaantay mid mucjiso ah. Waxayna hay’addu 14 sana kaddib sheegtay inuusan jirin wariye xabsi ugu jira dowladda Itoobiya.

Waxayna CPJ sheegtay 260 shabakadaha wararka oo xayirnaa in la fasaxay wariyeyaal musaafuris dalka uga maqnaana loo ogoolaaday iney dalkooda dib ugu soo laabtaan tallaabbooyinkaasi oo ay hay’adda ku tilmaantay bogaadin mudan, kaalinti ilaalinta xorriyadda saxaafadda ee ay caalamka kaga jirtay oo ahaa 110-aad iney ka gashay kaalinta 40-aad.

Hase yeeshee, arrimuhu sida ay ku billawdeen kuma sii socn oo waxaa la xidhay xafiiska telefishiinka OMN, sida oo kalana waxaa marar badan xabsiga loo taxaabay wariyeyaal kala duwan.

Hay’adda u doodda xuquuqda wariyeyaasha ee aan xuduudda lahayn waxay sheegtay marar badan iney soo gaareen warbixinno ku saabsan xadgudubyada saxaafadda lagula kacay, waxayna hay’addu sheegtay warbixinnadu iney yihiin kuwa khatar gelinaya tallaabbooyinkii wanaagsanaa ee ay dowladda u qaadday horumarinta xorriyadda saxaafadda.
Dhinaca kale ra’isal wasaaraha marki uu xilka qabtay bilooyinki ugu horreeyey wuxuu xabsiga ka sii daayey maxabiis siyaasadeed oo aad u badan, balse waxaa Abiy bariyahan dambe lagu eedeeyaa inuu xabsiga u taxaabay siyaasiyiin.

Xisbiyada mucaaradka ee OLF, OFC, ONLF iyo Balders waxay marar badan ay cabasho ka muujiyeen ‘in xubna xisbiyadaasi ka tirsan laga xiro’, ‘Xafiisyadana laga xiro’, ‘Lana cabsi geliyo’ iwm.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanahana Human Rights Watch waxay sheegtay wixi ka dambeeyey dilkii loo geystay fannaanki weynaa ee Hachaaluu Hundeesa iney bateen maxabiista siyaasadeed ee dowladda u xiran oo qaarkood aan dacwad lagu soo oogin oo xabsiyada isaga jira.

Komishiinka xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu marar badan uu soo saaray bayaanno ku aaddan go’aannada ay maxkamadaha ka gaaraan ‘maxabiista siyaasadda doorka ku leh’ iney wax badan ka saxaan.

Xafiiska Warar

Related posts

Sannad kadib doorashadii Mayor Baradhe iyo galdaloolooyinka baahsan ee muuqda! B

Mustafehaji

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah Furay Kulan Lagaga Hadlayo Qorshaha Wax Barashada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo War Ka Soo Saaray Xaalada Magaalada Laascaanood Fariina U Diray Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More