Madaxwayne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Gaadhay Taandhada Afisyooni Ee Shirku Uu Ka Qabsoomayo

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gaaray Teendhada Afisyooni oo Maanta uu ka furmayo Shirka Madaxda.

Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa iyaguna la filayaa inay tegaan Teendhada Afisyooni ee xeydaabka Xalane, si ay uga qeyb galanka Shirka halkaas ka dhacaya.
Beesha Caalamka ayaa shirkaan isugu keeneysa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadli doono Ajendayaasha Shirka Wadatashiga doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horey shuruudo ugu xiray ka qeyb galka Shirka Madaxda ee doorashada looga arrisanayo, hayeeshee dadaalo kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu guuleystay inay tagaan Shirka.

Ammaanka goobta Shirka uu Maanta ka furmayo ee Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaddib markii ay ka heshiiyeen dhinacyada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Loo Soo Jeediyay In Doorashooyinka Ay Qabsoomaan Bisha May

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Kenya Oo Beesha Caalamka Ka Codsatay In Cunaqabataynta Laga Qaado Dalka Zimbabwe.

Bnnstaff Bnnstaff

Markab Laga Leeyahay Dalka Turkiga Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Ku Lumay Bada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More