Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa Magaalada Garbaciise ee Galbeedka Gobolka City uu ku dhex-maray Dad Soomaali Shacab ah oo garab ka helayay Ciidamada liyuu Boolis iyo kuwa Canfata Itoobiya.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Canfarta ay weerar ku qaadeen Magaalada Garbaciise, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dad u badnaa Shacab ah ku dhinteen.
Dad ku sugan degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay Warbahinta u sheegeen in dad ka badan 10 Euux oo Soomaali ah ay dagaalka ku dhnteen halka 20 kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo 6 kamid ah oo dhaawacooda culus yahay la geeyay Isbitaalka Biiki ee degmada Goota-Biki.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayan in Ciidamada Canfarta ay dib ugu laabteen degaanadii ay ka yimaadeen, waxaana Goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada liyuu Boolis iyo maleeshiyaad degaanka ah.
Dagaalka dhex-mara Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya ayaa ah mid soo laab laabta, waxaana ku guuldareystay inay wax ka qabtaan Maamulada dowlad degaanka Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com