Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Alshabaab Ku Jabiyeen Weerar Ka Shacay Deegaanka Awdheegle

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab qasaare xoogan kugaarsiiyeen dagaal ay kula galeen degmada awdheegle iyo degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

Jeneraal biixi ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu kahortagay weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada, isla markaana Xubno badan ay ka dileen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 45 Xubnood tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in degaannadii lagu dagaalamay uu ka socdo howlgal uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage kaasi oo lagu baadi goobayo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerar geystay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Laba Arrin Ka Dalbaday Baarlamaanada Maamul Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

Khilaaf Ka Taagan Safaarada Soomaaliya Magaalada Roma Ee Talyaaniga

Bnnstaff Bnnstaff

Borama:- Barnaamijka Su’aalaha Ramadaanta Iyo Su’aalo Diiniya Oo Shacabka La Waydiiyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More